Mashruuca biyagelin ee Jubooyinka.

 Mashruuca Horumarinta Jubooyinka waxaa qorsheyaashiisa dhinaca biyo nadiif ah oo ku filan dadka ku nool degaanka jubooyinka ka mid ah qorshayaal fog iyo kuwo dhow, qorhayaasha fog ee mashruuca horumarinta jubooyinka waxaa kamid ah in dhamaan dadka iyo duunyada ku nool jubooyinka ay helaan biyo nadiif ah.

Mashruuca horumarinta jubooyinka waxyaabaha ugu muhiimsan ee xubnihiisu ka qabteen dhinaca biyo galinta ee lasoo qaadan karo waxaa kamid ah_

  • In kadib markay dhiseen dugsiga hoose dhexe ee mareereey ay haayada degan degmada mareereey ay ka qoday ceel iskuulkaas kadib iskaashi mashruuca dadka degaanka iyo haayadu isku dareen.

 

  • Waxaa kale oo mashruuca horumarinta jubooyinka isku dayay in uu ceel ka qodo degaanka xaya laakiin nasiib daro kuma uusan guulaysan,nasiib wanaagse mashruuca wuxuu kasameeyay waro xooluhu ka cabaan biyahana ku kadsadaan.

 

  • Mashruuca waxaa kale oo cagaf cusub u diray isla degaanka xaya si loogu sameeyo waro biyoodyo fara badan, isla mar ahaantaana cagaftan looga faaiideeyo dhamaan dadka degaanka markay noqoto falida beeraha iyo kaydinta biyahaba.

Si loo xaqiijiyo himilooyinka iyo rabitaanka shacabka jubooyinka markey noqoto in ay helaan biyo nadiif ah ma aha himilo uu xaqiijin karo mashruuca horumarinta jubooyinka kaligiis hadii ayna dadka degaankaas kasoo jeeda gudaha iyo dibadaba ayna gacan kusiinin mashruucan in uu xaqiijiyo rabitaanka dadka iyo duunyaduba ay u qabaan biyo nadiif ah.

Mashruuca Horumarinta Jubooyinka wuxu ugu baaqayaa dhamaan shacabka jubooyinka:

  • In ay mashruuca xubin buuxda ka noqdaan.
  • In ay mashruucan wadamada aad ku nooshihii dadka u bandhigtaan.
  • In dhamaan daladaha mashaariicda ee jubooyinka ay kusoo biiraan dalada guud si aan cududeena iyo caqligeena u mideyno.

 

Nagala soo xiriir: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Add comment


Security code
Refresh

Jubbaland Flag

JUBBALAND

.

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterToday5
mod_vvisit_counterYesterday115
mod_vvisit_counterThis week5
mod_vvisit_counterLast week1133
mod_vvisit_counterThis month3026
mod_vvisit_counterLast month5701
mod_vvisit_counterAll days119540