War bixin waxqabadkii SWSO

Warbixin ku saabsan ururka Somali Women Solidarity Organization.

Ururka Somali Women Solidarity Orgination (SWSO), waxaa la aasaasey sanadkii 2006 waxaana lagu aaasaasey magaalo madaxda gobalka jubbada hoose ee Kismaayo.

Ururkan ujeedooyinkii loo aasaasey ayaa aha iyada laga duulayey dhibaatada haysata dhamaan bulshada degan jubooyinka gaar ahaan inta birmageydada ah sida waayeelka, dumarka iyo caruuruta, dhibaatadaas oo laga dhaxley dowlad la’aantii mudada ku dhow 20ka sano ka jirtey soomaaliya oo dhan.

Ururka SWSO oo ay xaruntiisu tahay magaalada Afmadow ayaa haddan waxa uu ku lee yahay xafiisyo meel badan oo koonfurta Soomaaliya ka tirsan, sida Kismaayo, Dhoobley, Bu’aale iyo Qooqaani, sidoo kale waxuu xafiis uu ku leeyahey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ururka SWSO wuxuu ka hirgaliyey mashaariic fara badan golabada jubooyinka oo dhan, mashriicdaas oo aad logu diirsadey wax badana ka qabtey dhibaatooyin badan oo ka jirey degaanada jubooyinka.

Wariyaha Golaha Qurbojoogta Jubooyinka oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa wareysi la yeeshey Marwo Xaliimo Faarax Godane oo howl shaqo u joogta magaalada Nairobi, marwada oo mar dhow ka timid magaalada Afmadow.

Marwo xaliimo Faarax Godane oo ah field coordinator ka SWSO oo u warameysa wariye maxamed maxamuud ayaa ka warbixisey wax qabadka ururka iyada oo ku bilowdey hadlakeedii sidatan.

Tan iyo intii la aasaasey ururkan 2006 waxaanu joogney gudaha wadankii waxaana qabaney howlo badan sida kaaga muuqata sawirdan dhamaan gabdhhaan waxaan barney Xirfado kala duwan kuwaas oo ay intooda badan ku shaqeystaan, waxaana jira Gabdho fara badan oo aan u wadno Tobabar, howlahaas oo dhan waxaan ku hirgaliney dadaal ay la yimaadeen qaar kamid ah gabdhaha ururkanga oo ku sugan magaalada Nairobi kuwaas oo aruuriya dhaqaalaha ku baxa xarunteena ku taala magaalada Afmadaw.

Inkastoo ayanan jirin hayado Caalami ah oo namaal galiya hadana waxaan nahay hayadaha gudaha wadanka soomaaliya ka shaqeeya kuwa ugu dhabar adeyga badan oon marna dadkooda kaga tagin dhibaatada, wali waxaan diyaar u nahay in aan sii labo jibaarno dadaalkanaga aan oogu jirno kor u qaadida horumarka bulshda deegaanda Jubbooyinka.

Mar aan weydiiyey sida ay u aragto dadka qurbojoogta ah ee ka soo jeeda degaanada Jubooyinka iyo gacanta ay ka geysan karaan mashriicda horumarinta ayey tidhi.

Runtii waxan odhan lahaa dadka qurbajoogta ah ee ka soo jeeda degaanada Jubooyinka, in ay yihiin dad ka seexdey dadkoodii oo haba yaraatee aan wax la taaban karo aanan marnaba ka geysan degaanadoodii, mana garanayo wax ku kalifey in ay sidaa xaalka noqdo.

Waad aragtaan manta Soomaaliya kama jirto dowlad dhexe oo shacabka ka xaqaba tirta baahidooda, degaan walbana waxa uu u baxsadey qurbojoogtoodaa aan ka aheen degaanka jubooyinka, oo aad mooda in aysan cidnaba u maqneen ceelna u qodneen.

Waxaan kula dardarmayaa qurbojoogta jubbaland in ay hurdada ka kacaan oo ay wax u qabtaan dadkooda iyo degaankoodaba, ayna gacan ka geystaan mashaariicda horumarinta ee SWSO ay ka wado gobalada jubooyinka iyo kowa kalaba.

Marka haddii aad tahay shaqsi danynaya dhulkiisa ama dadkiisa oo doonaya in uu gacan ka geysto mashaariicda horumarinta Jubooyinka fadlan nagala soo xiriir ciwaanka hoos ku qoron.

Waxaan mar dhow idiin soo gudbin doonaa warbixin kale ku saabsan wax qabadkii ururka Somali Women Solidarity Organization oo wadata maqal iyo muuqal intaba inshallah.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Jubbaland Flag

JUBBALAND

.

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterToday5
mod_vvisit_counterYesterday115
mod_vvisit_counterThis week5
mod_vvisit_counterLast week1133
mod_vvisit_counterThis month3026
mod_vvisit_counterLast month5701
mod_vvisit_counterAll days119540