Qorshaha Mashruuca Horumarinta Jubooyinka ee Dhinaca xoolaha Nool.

 Qorshaha Mashruuca Horumarinta Jubooyinka ee Dhinaca Xoolaha sida mashruucyada kala duwan ee aan gacanta ku hayno ayuu wuxuu u qaybsamaa qorshe fog iyo qorshe dhow, qorshayaasha fog ee mashruuca xoola dhaqatada ayaa waxaa kamid ah in degaanka jubooyinka laga waayo xoolaha nool ee guurguura marka laga reebo geela, waxaa mashruuca u qorsheysan in dhamaan lo.leyda iyo ari layda laga dhigo beeralay aan guurguurin degana hal meel oo daaqoodii iyo biyahoodiiba ay ku helaan.

Waxaa kale oo u qorshaha fog ee mashruuca ka mid ah in dhamaan geela ku nool degaanka jubooyinka ay noqdaan geel ay shirkado ganacsi yeeshaan ama ashkhaas shirkadaas hoos yimaada si loo qorsheeyo caafimaadka iyo dhul daaqsimeedka geela, degaan walbana uu u qorshaysto inta xoolo ee degaankiisa ku noolaan kara daaq iyo biyana uu u heli karo, arintan iyada ah waxay soo afjari dagaal qabiileedka daaqsinta ka dhalata, waxaana iman in degmo walba qorsheysato inta xoolo ee degaankeeda ku noolaan karta daaq iyo biyo ku filana ka heli karta.

Qorshahan fog ee Mashruuca Horumarinta Jubooyinka waxaan rajaynaynaa in uu horumariyo waxna ka badalo dhamaan hab nololeedka xoolalayda jubooyinka ee mustaqbalka dhow inshaa allah, waxaan rajeynaynaa in uu horseedo  in ubadka soo koraya ee xoola raacda ahaan jiray ay fursad u helaan in ay waxbartaan iyakoo isla mar ahaantaa xoolalay ah.

Mashruuca horumarinta Jubooyinka waxaa qorshaha fog kamid ah inshaa allah in xoolalaydu ka faaiideystaan khayraadka ilaahay siiyay loona helo suuq wanaagsan wax soo saarka xoolahooda haday noqon lahayd caano,hilib, subag, iyo waxyaabaha kala duwan ee sida xaalka maanta yahay laga horumarinkaraba.

 

Mashruuca Horumarinta Jubooyinka wuxuu ugu baaqayaa shacabka jubooyinka gudo iyo dibadba:

 

  • In ay xubin firfircoon ka noqdaan mashruucan
  • In ay gaadhsiiyaan dhamaan dadka ay la nool yihiin waxqabadka mashruucan uguna yeeraan in ay taageeraan.
  • Mashruucan waxaa wada oo bilaabay afraad adigoo kale ah waxay qabanayaan waa dan guud.
  • Qofna kaalintaadii ma buuxinayso hadii aadan adiga maanta buuxin ama kasoo bixin.
  • Farkaliya fool ma dhaqdo si mashruucan u xaqiijiyo qorshayaashiisa wuxuu u baahan yahay taageero.

 

Fadlan wixii faahfaahin ah nagala soo xiriir This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

 

Comments  

 
0 #2 2010-04-07 11:52
Mariicdan waa waxaa kaliya ee dadkeena ka saari kari saboolnimada, gaarsiin karana isku filnaansho dhinac kasta lleh.. Waxaan hanbalyo u soo jeedinayaa dadkii mshruucan hirgaliyey ilaaheyna ha idiinka abaal mariyo..Amiin
Quote
 
 
0 #1 2010-04-06 06:12
Waa wax aad loogu farxo in maanta jiro mashruuc hami sidaas u weyn leh oo jecel iyo dadkiisa iyo dalkiisa uu horumariyo.

ilaahay ha idinka ajir siiyo.

aamiin amiin
Quote
 

Add comment


Security code
Refresh

Jubbaland Flag

JUBBALAND

.

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterToday5
mod_vvisit_counterYesterday115
mod_vvisit_counterThis week5
mod_vvisit_counterLast week1133
mod_vvisit_counterThis month3026
mod_vvisit_counterLast month5701
mod_vvisit_counterAll days119540