Qorshaha Mashruuca Horumarinta Jubooyinka ee Dhinaca xoolaha Nool.
Qorshaha Mashruuca Horumarinta Jubooyinka ee Dhinaca Xoolaha sida mashruucyada kala duwan ee aan gacanta ku hayno ayuu wuxuu u qaybsamaa qorshe fog iyo qorshe dhow, qorshayaasha fog ee mashruuca xoola dhaqatada ayaa waxaa kamid ah in degaanka jubooyinka laga waayo xoolaha nool ee guurguura marka laga reebo geela, waxaa mashruuca u qorsheysan in dhamaan lo.leyda iyo ari layda laga dhigo beeralay aan guurguurin degana hal meel oo daaqoodii iyo biyahoodiiba ay ku helaan.
Waxaa kale oo u qorshaha fog ee mashruuca ka mid ah in dhamaan geela ku nool degaanka jubooyinka ay noqdaan geel ay shirkado ganacsi yeeshaan ama ashkhaas shirkadaas hoos yimaada si loo qorsheeyo caafimaadka iyo dhul daaqsimeedka geela, degaan walbana uu u qorshaysto inta xoolo ee degaankiisa ku noolaan kara daaq iyo biyana uu u heli karo, arintan iyada ah waxay soo afjari dagaal qabiileedka daaqsinta ka dhalata, waxaana iman in degmo walba qorsheysato inta xoolo ee degaankeeda ku noolaan karta daaq iyo biyo ku filana ka heli karta.














