Sanjabiishu waxay daweyn karta xanuunka.
Waa maxay sanjabiishu(Ginger)?
Sanjabiishu waa geed baxa xili dheer na dunida laga yaqaaney isticmaalkeeda oo xididkeedu siyaaba kala duwan loo isticmaalo. Sanjaabiishu waxey ka baxda oo aay caan kutahay koonfurta india oo asal ahaan laga beeray marki u horaysay dabadeedna waxey ugu gudubtay bariga afrika. Waxay sidoo kale ka baxdaa jasiiradaha loo yaqaan caribeanka.
Hadaanu intaa kaga gudbo hordhaca qoraalka ee aan u dhaadhacno dulucda qoraalka: waxaa la xaqiiqsaday in sanjabiishu ahayn oo kali ah in dhadhanka cuntada iyo cabitaanka lagu wanaajiso, balse ay tahay dawo lagu daweeyo xanuuno kala gedisan oo ee kamid tahay fahmo- darrada, caajiska. Waxaa kale oo aay sanjabiishu sare u qaadaa dhiirigalisaana unugyada difaaca jirka.
Ruunti maahan arin ku cusub dunida in sanjabiishu leedahay faa’iidooyin caafmaadeed oo fara badan oo aan halkan lagu soo koobi karin. Waxaa baryahan la oogaadey in ay xanuun-dile tahay sida (Asprinka iyo paracetamolka oo kale).
Waxa kale oo ayina aan shaki ku jurin in aay ka faa’iidaysan karaan dadka danyarta ah sida muruqmaalka, kuwa sportiga ciyaara (jinestikada), ama beeraleyda beeraha qodota. Tusaale: hadiid aad koob shaaha ku buubsato far iyo suul budada sanjabiishu waxey kaa bogsiinkartaa xanuunada sida jiirgo’a iyo murqaxanuunka.
Hadduu qofka joogteysto isticmaalka sanjabiishu ugu yaraan mar ama labo jeer maalintii waxa hubaal ah in fahmada qofku sara u kaceyso. Waa dilaaga xanuunada yaryar oo dadka intiisa badan aay u raadsadaan dawooyinka casriga ah iyado laga yaabo inuusan qofku awoodin. Halkaa waxa kacad inu qofku ka maarmi karo dawo uu lacag badan ku bixiyo asagoo badalkeeda si fudud uu heli kara dawadan dabiiciga ah.
EH Educationist
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it














Comments
RSS feed for comments to this post.