Cudurka Qaaxada (Tuberculosis TB)

Waa maxay Qaaxadu?

Qaaxadu ama TB waa cudur uu keeno bakteeriya lagu magacaabo MYCOBACTERIUM TUBERCULOSIS. Bakteriyadani waxay soo weerari kartaa xubin kasta oo jidhkaaga kamid ah, laakiin inta badan waxay asiibtaa Sambabada.

Sidee loo qaadaa cudurka Qaaxada (TB)?
 
Cudurka Qaaxadu wuxuu ugu fidaa dadka dhexdooda marka qof qaba cudurka ama xambaarsan bakteeriyada aan kor kusoo sheegnay uu ku qufoco, ama ku hindhiso hawada, taas oo keenta in bakteeriyadii ay hawada u gudubto kadibna ay sidaas ku neefsadaan dadka ka ag-dhaw hawadii xambaarsanayd bakteeriyada MYOCOBACTERIUM TUBERCULOSIS. Marka qofku uu neefsado hawo xambaarsan bakteeriyada TBda ama Qaaxada, waxay bakteeriyadu degtaa sambabada iyadoo biloowda in ay ku korto halkaas. Markaas kadib ayay soo raacdaa dhiigga iyadoo uga sii gudubta qaybaha kale ee jidhka sida kalyaha, Laf-dhabarta, iyo Maskaxda.

Difaaca Jidhka iyo Qaaxada (TB)

Inta badan dadka ay ku dhacdo Bacteeriyada TBda ama Qaaxada, jidhkoodu wuxuu awoodaa in uu la dagaalamo Bacteeriyada si uu uga hortago in ay ku korto jidhka dhexdiisa. Sidaas darteed bakteeriyadii waxay noqotaa hawl-gab (Inactive), laakiin waxay wali ku dhex nooshahay jidhka, waxayna isu badali kartaa Hawl-gal (Active).

Dadka nooca hore ee Bakteeriyada qaba malaha wax muujinaya in uu cudurka Qaaxada qabo, kuma fidin karo bakteeriyada dadka kale ee la nool, marka laga baaro jidhkooda waxaa si sahlan loo ogaan karaa in uu qabo TB, ugu danbayntiina haddii uusan qaadan daawo lagula dagaalamo bakteeriyadan hawl-gabka ah waxaa dhacaysa in ay isu badesho mid Hawl-gal ah (Active), gaar ahaan haddii difaaca jidhku uu liito, taas oo ku keenta khatar ballaaran qofkan iyadoo uu ku fidiyo dadka la nool cudurka. Dad fara badan oo qaba bakteeriyada TBda ee hawl-gabka ah (Inactive) ayaa waxaa dhacda in aanay sina u noqon Bakteeriyadu mid shaqaysa (Active).

Maxa lagu gartaa cudurka qaaxada? 

 Dadka qaba TBda waxaa lagu gartaa calaamadaha soo socda:

• Qufac joogta ah oo socon kara in ka badan seddex toddobaad.
• Qandho aad u badan.
• Miisaankaaga oo hoos u dhaca.
• Habeeynkii oo aad dhididid.                               
• Qufac dhiig iyo malax la socoto.
• daal joogto ah.
• Iyo cunta-qaadashada oo kugu yaraata.

Noocyada Loo baaro Cudurka Qaaxada (TB):

Sadex siyaabood ayaa looga baaraa dadka qaba Cudurka Qaaxada, waxayna kala yihiin:

1. In lagu sameeyo baaritaan xagga dahaarka jidhka ah, (Skin Test).
2. Raajo (X-ray), taas oo la isticmaalo kadib marka baaritaanka dahaarka jidhku uu muujiyo cudurka jiritaankiisa.
3. Iyo in qofka xaako laga qaado, taas oo la baaro haddii xaakadu ay siddo jeermiskii cudurka.

Cudurka Qaaxada mala dawayn kara?

Cudurka Qaaxada si buuxda ayaa loo dawayn kara waa haddii daawada loo qaato sidii uu dhakhtarka kuugu soo qoray iyo muddadii loogu talagalayba. Caadi ahaana waxay qaadata muddo ah 6 ilaa 9 bilood.Xitaa haddii aad dareemayso inaad fiicnaatay waxa aad uu muhiim ah inaad si wadato daawada ilaa intuu takhtarka jooji ku yiraahdo. Daawada si qalada haddii loo qaato ama la joojiyo muddadii loogu talagalay horteed, waxa surta gal ah in cudurka daawayntiisa adkaado ama inuu suurtagal noqon in la daawayo.

Dadka qaba cudurka, laakiin aan jiranayn waxay iyagu xambaarsanyihiin jeermis hawlgab ah (inactive). Waa dhab in aanay jiranayn hadda, laakiin xilli kasta jeermiskan hawlgabka ahi (Inactive), wuxuu isu badali karaa hawlgal (Active) taas oo keenta in ay jiradaan.

Hadaba dadkan qaba jeermiska hawlgabka ah waxaa la gudboon in ay qaataan daawada dhakhtarku u qoray si ay uga takhalusaan jeermiskii TBda ugana bad-baadaan in ay jiradaan.

Dadka iyagu la nool ama ka agdhow dadka qaba TBda waxaa iyana la gudboon in ay qaataan daawada dhakhtarku u qoro si ay uga hor tagaan in uu ku dhaco cudurka TBda.

Ma laga hortagi karaa Qaaxada?

Waxaa jira talaal la yiraahdo Bacille Calmette Guerin (BCG) kaaso si fiican muddo dheer ooga hortaga noocyo badan oo cudurkaas ah.

Yaa uu baahan talaalka BCG inuu qaato ?

Waxaa lagu talaalaa caruurta iyo ilaa 16 jirka ah oo ka soo gala wadamada cudurkaa laga helo kuwaasoo laga baaro inuu jirkooda leeyahay difaaca dabeeciga ah ee cudurkaas oo loo yaqaano(manaacada Qaaxada). Haddii uu difaacooda yar yahay waa in lagu talaala BCG.

Dadka la nool ama la dhaqma ama la deris ah qof qaba cudurkaas ayaa uu baahnaan kara talaalkaas BCG.

Tirada Qaaxada dhabta ah ee diiwaanka ku jirta:

• Waxay Qaaxada jirtaa qiyaastii ugu yaraan 4000 sanadood mumiyayaasha masar waxay muujinayaan calaamadaha cudurka

• Qiyaastii 2 bilyan oo qofood (oo ah qiyaastii seddax dolool hal dadyoowga adduunka) waxay qabaan jeermiska cudurka Qaaxada, waxayna sidaas darted halis u yahiin qaadista cudurka Qaaxada (TB) inta ay nool yihiin.

• Waxuu Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) qiyaasayaa in adduunka, qiyaastii 9 milyan oo qof inay qaadaan cudurka Qaaxada sanad kasto.

• Waxay kale Qaaxada sabab u noqotaa qiyaastii 2 milyan oo dhimasho sanad kasto. Markii lala barbar dhigo duumada iyo HIV-ga waa mid ka mid ah cudur-bukaaneedka ugu wayn oo ka hor imaanaayo adduunka maanta.

• Afrikada Ka hooseeso Saxaraha, cudurka faafo ee HIV-ga waxuu dadka ka dhigayaa mid u nugulsan inuu qaado cudurka Qaaxada.

• Gabi ahaan UK, waxay Qaaxada ku korortay ku dhowaad boqolkiiba 30 ilaa 1980dii, laga soo bilaabo 5745 ilaa in kor u dhaafayso 7000 oo qof sanadkii.

• Gudaha London, tirada arrimaha la xiriiro Qaaxada waa labo-jibaarmeen ilaa 1980dii, iyada oo tiro ahaan ay arrimahnan qiyaastii gaareen 3000 sanadkii.

• Gudaha UK, inkasto la heli karo adeegyo wax ku ool leh, in loo dhinto Qaaxada waa dhif.

Xigasho: NHS TRUST UK, WHO

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 
 

Comments  

 
0 #1 2010-06-01 19:49
Axmed Taajir guuleeyso weligaa cadoowgaaguna ha jabo .Axmedoow ku dadaal wax qabadka dadkaaga iyo horimarinta umadaa dhibaateysa ee gudaha Jubbaland.
Quote
 

Add comment


Security code
Refresh

Jubbaland Flag

JUBBALAND

.

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterToday4
mod_vvisit_counterYesterday115
mod_vvisit_counterThis week4
mod_vvisit_counterLast week1133
mod_vvisit_counterThis month3025
mod_vvisit_counterLast month5701
mod_vvisit_counterAll days119539