Mashruuca Horumarinta Jubooyinka

Mashrruca Horomarinta Jubooyinka waxa uu soo bilaabmey sanadkii 2001 ilaa iyo maantana wuu socdaa, waxa uu soo qabtey mashaariic kale duwan oo wax ku ool ah, oo shacabka jubooyinka ku nool eey aad ugu diirsadeen.
Xubnaha mashruucan uu ka kooban yahay waxay siyaabo kale duwan uga soo shaqeynayeen xiliyo kala duwan degaanada labada jubba, jubada hoose iyo dhexe.

Waxaa mashruuca horumarinta jubooyinka sameyntiisa iska Kaashaday qurbajoogta jubooyinka iyo shacabka degaanka jubooyinka ee gudaha ku nool.

 


Mashruuc horumarinta jubooyinka waxaa ku midoobay dhowr urur oo si kala duwan howlo uga hayay jubooyinka, waxayna go’aansadeen in wax qabadkooda ay mideeyaan, mar walbana daboolaan baahida sida ay u kala muhiimsan yihiin iyada oo la tix galinayo faa’iidada wax soo saar ee meesha la maalgeliniyo leedahay.


Waxaa mashruucan ku midoobay:

  • Taageerayaashii iskuulkii mareerey
  • Taageerayaashii iskuulkii kulbiyoow
  • Taageerayaashii iskuulkii xaya
  • Taageerayaashii dayactiray isbitaalka afmadow umulisadana geeyay.
  • Taageerayaashii degaanka qooqaani ee ceelasha biyaha inay ka qodaan isku dayay markey usuuro gali weydayna waraha ka qoday.

Waxaan kaloo rabnaa in aan raadino oon la midoowno taageerayaasha mashaariicda aan nala midoobin ka wada dhamaan degaanada jubooyinka.
Ilaa iyo hada maxaa u qorsheysan (M.H.J)?
Waxaa u qorsheysan in ay dhamaan degaanka jubooyinka gaadhsiiyaan adeega aas aasiga ah sida:
1- Waxbarashada.
2- Caafimaadka.
3- Biyaha.
4- ka faaiideysiga kheyraadka beeraha iyo badda.


Mashruuca horomarinta jubooyinka waxaa uu u baahan yahey dad maskax iyo muruqba u hura si uu mashruuca u guuleysto oo miro dhal u noqdo.


Waxaa kaloo laga marman ah in lahelo taageero buuxda oo dhinac walba leh, iyo xubno joogto ah oo bixiya dhaqaalaha mashruuca ku baxaya, sidoo kalana maalgaliya mashaariicda loo soo gudbiyo ee shacabkeena horomaraniya.
Si akhristaha uu indhihiisa ugu xaqiiqsado waxa aan qabanayno waxaan idiinsoo gudbinaynaa barnaamijyo dhamaystiran oo maqal iy muuqaal leh sida uu mashruucu wax uga qabtay baahiyaha aas aasiga ah intii awoodiisa ah.

Waxan ka codsaneynaa cid walba oo daneyneesa horomarinta jubooyinka in ay nagala soo xiriiraan ciwaanka hoos ku qoran


This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Jubbaland Flag

JUBBALAND

.

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterToday4
mod_vvisit_counterYesterday115
mod_vvisit_counterThis week4
mod_vvisit_counterLast week1133
mod_vvisit_counterThis month3025
mod_vvisit_counterLast month5701
mod_vvisit_counterAll days119539