Hawlaha waxbarasho ee uu gacanta ka geysto Golaha Qurbojoogta Jubooyinka
Mashaariicada Hormarinta Golaha Qurbajoogta Jubbooyinka ay ka wadaan Geeka Africa.
Education
Iskuulada yar ee uu mashruuca horumarinta jubooyinka gacanta ka gaystay ama ku hayo ayaa waxaa haysta in ay kuraastii iyo fasaladiiba ku yar yihiin ardada dhigata, sida aad sawirkan kore ku aragtaan waxaa kursigiiba ku fadhiya 6-7 ardey arintaas oo ka markhaati ka caysa sida ay ardadu uga badan tahay kuraasta fasalka taala.
Mashaariicada Hormarinta Golaha Qurbajoogta Jubbooyinka ay ka wadaan Geeka Africa.
Mashaariicda Waxbarasho ee Mashruuca Horumarinta Jubooyinka kaalinta ugu weyn ka qaatay ama xubnaha mashruuca gacanta ka gaysteen waxaa ka mid ah:
Mashrruca Horomarinta Jubooyinka waxa uu soo bilaabmey sanadkii 2001 ilaa iyo maantana wuu socdaa, waxa uu soo qabtey mashaariic kale duwan oo wax ku ool ah, oo shacabka jubooyinka ku nool eey aad ugu diirsadeen.
Xubnaha mashruucan uu ka kooban yahay waxay siyaabo kale duwan uga soo shaqeynayeen xiliyo kala duwan degaanada labada jubba, jubada hoose iyo dhexe.
Waxaa mashruuca horumarinta jubooyinka sameyntiisa iska Kaashaday qurbajoogta jubooyinka iyo shacabka degaanka jubooyinka ee gudaha ku nool.










