Qorshaha Mashruuca Horumarinta Jubooyinka ee Beeraha:

Qorshaha Mashruuca Horumarinta Jubooyinka Dhinaca beeraha waa qorshe isugu jira qorshe fog iyo qorshe dhow, qorshaha fog ee mashruuca waxaa kamid ah in dhamaan shacabka degaanka jubooyinka ku nool ay noqdaan dad gaara isku filnaansho markay noqoto waxaayabaha daruuriga ah ee cuntada.

Mashruuca Horumarinta Jubooyinka waxaa u  qoshaysan in uu dhiiri geliyo gacana ka siiyo beeralayda jubooyinka sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyahooda wax soo saar mashruucuna uu ka caawiyo sida:

  • In uu ka caawiyo cagaf cagafyada
  • Matoorada biyaha si ay uga kaaftoomaan in ay sugaan oo kaliya xiliga roobka
  •  In mashruucu siiyo beeralayda talooyin iyo seminaaro wax soo saarka beeraha ah.
  • In mashruuco  raadiyo maalgaliyayaal mashaariicda wax soo saar haday noqon lahayd haayado iyo ashkhaasba.
  • Kacaawinta beeralayda abuurka dalagyada kala duwan.

Mashruuca ilaa hada wuxuu gaystay oo la taaban karo waxaa ka jira in:

Afraad si tijaabo ah lacag aan badnayn ugu diray si ay beero u sameeyaan arintaas hadafkii laga lahaa laga gaadhay kadib markii sababtay in afraadii wax ayna malaysanaynin kasoo baxday maantana ay yihiin afraad aan cidna cunto kasugin ee iskood beeralay u ah. 

 

Mashruuca Horumarinta Jubooyinka muxuu ugu Baaqayaa qurbajoogta jubooyinka?.

  • In aad ogaataan Dadka iyo dalka in uu naga dhaxeeyo afraad idinkoo kale ahna aan nahay .
  • Danta guud waxay u baahan tahay in si wadajir ah wax looga qabto ee qofna kaligii wax ma qaban karo.
  • Aqoontii iyo dhaqaalihiiba waan haynaa hadii aan mideyno.
  • Kaalintaadii hadaadan ka soo bixin way banaan tahay qof buuxinaysana ma jirto.
  • Caawinta ama gacan ka gaysashada baahiyaha aasaasiga ah ee dadkaaga iyo dalkaaga waxay leeyihiin ajir aan dhamaad lahayn.
  • Beri waa wakhti dambe ee maanta kamid noqo mashruuca horumarinta jubooyinka.

Fadlan nagala soo xiriir cinwaanka  This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Comments  

 
+1 #3 2010-04-07 12:05
Aan is barno inan beer falanoo aan ku baahi baxnee... waa hees aan ka maqli jirey raadiyo muqdishu...beeraha waa waxa kaliya ee ummadd gaarsiiya isku filaansho gaajada ka saara, ee beeraha ha la fasho...Ilaahey waxa uu nagu maneystey dhul qani ah oo wabi dhax maro waa in aan ka faa'iideysanaa isnshalah... waxaan lee yahay dadkii mashruucan hirgaliyey waxaad sameyseen arrin u bahan in lagu deydo ee waligiin ha daalina.
Quote
 
 
+1 #2 2010-04-07 11:58
Aqoon la'aan waa iftiin la'aan, waxaa halkan iiga muuqada in jiilka bari uu waxbaranayo oo uusan jaahilliin aheen, dadaalkiina halkaa ka sii wada, walaahi waxaad tihiin urur taariikhda baal dahab ka galey.
Quote
 
 
0 #1 2010-04-05 20:39
aad iyo aad ayay umahadsanyihiin shakhsiyada masuuliada iska saaray ee mashruucan iyo ururkan danta dalka iyo dadka jubooyinka u istaagay.

guulaysta.
Quote
 

Add comment


Security code
Refresh

Jubbaland Flag

JUBBALAND

.

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterToday4
mod_vvisit_counterYesterday115
mod_vvisit_counterThis week4
mod_vvisit_counterLast week1133
mod_vvisit_counterThis month3025
mod_vvisit_counterLast month5701
mod_vvisit_counterAll days119539