Agriculture
Warqad Furan oo ka Timid Dhulkii Qaniga ahaa ee Jubooyinka.
Warqad Furan oo ka Timid Dhulkii Qaniga ahaa ee Jubooyinka.
Ku: Dhamaan Aqoonyahanka.
Ku: Tijaarta.
Ku:Siyaasiyiinta.
Ku:.Odeydhaqameedyada.
Ku:Qurbajoogta.
Dadkii ku dhashay, ee ku korey, ee ka cabay biyahayga ee khayraadkeyga faraha badan cunayoow waan idin salaamay, dadkeygiiyoow waad idayacdeen kadib markaad iiga cararteen cadowyo fara badan oo doonaya in ay boobaan barwaaqadayda.
maxaa dhacay oo aad sidaas iigu samaynaysaan? miyaad kamaaranteen barwaaqadaydii iyo khayraadkeygii ilaahay idinka hadiyada idiin siiyay? maxaad meeshaad aniga iga dhisi lahaydeen aad kambala iyo nayroobi iyo mambaasa iiga doorateen? ma waxa aad iga heli weydeen ayaad meel kale ka helaysaan? maxay ku dhacday intaad barwaaqadayda ka carartaan aad xero qaxooti u galaysaan? maxay 
ku dhacday in dhul aan aad uga qanisanahay in aad u qaxdaan? waa aakhiru samanee maba aragtaan miyaa waxa khayraad i dul ceegaaga? mise damiir laawayaasha hogaamiye beeleedka isku sheega dartood ayaad iiga cararteen? maxaad intaad midoowdaan aad iigu soo noqon waydeen? waxaad taagan tihiin cadceeda dhagaxleey, ifo, iyo dhadhaab, idinkoo maalin walba biyo saf u galaya meesha anigana biyuhu i dul ceegaagaan? waxan garan waayay ee ma ciqaab alle idiin qoraybaa?
Waxaan dadkii jubooyinkoow idiinku bishaarayn in ilaahay isoo diray wiilal iyo gabdho wada mashruuca horumarinta jubooyinka waana wiilal/gabdho ay ka go'an tahay in ay badalan dhamaan dhaqan xumida iyo xil iska saarnimo la,aanta degaana mudadii yareyd ee ay jireen waxaa dhamaan dadkii degaanka ku soo noqoto rajadii nolosha, waxay ubadka soo koraya u sameeyeen iskuule, waxay xoolaha u qodeen waro ay biyaha ka cabaan, waxay dayactireen isbitaaladii, waxayna mideeyeen dhamaan dadkii ngo yada jubooyinka waday, inshaa allah waxaan rajayn in ay baahi tiraan dadka jubooyinkana uga faaiideeyaan kheyraadka ilaahay igu manaystay.
Dadkii jubooyinkoow waxaan idinku baaqayaa gudo iyo dibadba inaad u dhaga nuglaataan wiilashaa iyo gabdhahaa u istaagay in ay dadka danyarta ah gacan qabtaan.
Hadii aad rabtaan in aad aragtaan wax ay iga qabtaan hadaan ahay ciidii jubooyinka gala oo indhihiina ku arka shabakadooda www.jubbalanddp.org
xigasho : This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it














Comments
=dooxada jubaad waalagagey diisha wabigiiyee.
=dhurwaagoo dadkii diiranbaa duubanmadaxiiye e.
=nin dagaala mooyeen idaa diidey doqontiiyee.
=isduubni doolad iyo daraja nookeenta.
=dagaalama dalkeenii laboob diidaraa timidee,.
=gudaha iyo dibadiiba waa inaad dareentaane.
=dawadiid haduu soorogmado gilana sodaacdo.
=oowabigu doolada galoo daqalki uugooyo.
hadii faafan dadkii kabaxa siidardaro haarcad.
dogob kiyo waxuu qaadayaa diga waxii yaale.
thank u. jdf.org
RSS feed for comments to this post.