Maleeshiyaadka Alshabab ayaa lawareegey xafiisyadii xanaanda xoolaha ee degmooyinka Afmadow iyo Diinsoor
Maleeshiyaadka Alshabab ayaa lawareegey xafiisyadii xanaanda xoolaha ee degmooyinka Afmadow iyo Diinsoor

Afmadow: Warbixin ay noo soo direen Jubbaland Resque Team ayaa lagu cadeeyey in ay shalay maleeshiyada Alshabaab ee Afmadow lawareegeen xafiis hoosad(sub office) ay lahaayeen takhaatiirta xoolaha ee kumidobay association lagu magacaabo SOUTH WEST LIVESTOCKPROFFISSIONAL ASSOCIATION (SOWELPA).
Xafiiskan waxaa hore ugu shaqeyn jirtay oo lahayd qalabka yaallo hayadda loo yaqaan VSF-GERMAN oo labadisano ee ugu danbeysay ka howlgaleysay degmooyinka Afmadow,Badhaadhe,iyo Xagar oo katirsan gobolka jubbada hoose.
Howlaha halkaa ay qaban jirtayna waxaa kamid ahaa,tallaalka ariga,iyo daweynta xoolaha oo dhan iyadoo tababartay dhallinyaro badan oo ay iskasoo xuleen xoolo dhaqatada deegaanka oo loo yaqaano Community Animaal Healh Workars (CAHWs).
Dhalinyarada ayaa markay tababarkooda dhameystaan ka dib loo dhiibayey dawooyinka xoolaha oo bilaash ah,howshan oo runtii ahayd mid xoolo dhaqatda kunool meelaha magaalooyinka ka fog takhaatiirta xoolaha aanay ka howlgelikarin xilligan ay aad u soo dhaweeyeen.
Waxaa kale oo ay gacan weyn ka geysatay biyo dhaamintii jilaalkii 2009kii iyada oo booyado biya ah gaarsiinjirtay dadka reer guuraagaah ee biyo la!aanta ku haleeshay deegaanadoodii.
Sidoo kale waxay ballaarin ku sameysay jidad badan oo xirmay oo ay adkeyd in gaadiidku maro,iminkana si wanaagsan u shaqeynayo, hase yeeshee hayaddan waxay ku wareejisay qalabkii xafiiskeeda yaallay SOWLEPA tariikhdu markay ahayd 30 april 2011 kadib markii ay sheegtay in ay weydey dhaqaalo ay kusii wado howliihii ay hore u haysay.
Sidoo idoo kale maleeshiyaadka Shababku waxay la wareegeen xafiiskii dhinaca xoolaha ka shaqeynayey ayna ku howlgaleysay hayada SAHSP,Somali Animal Health Serves Project maalintii sabtida taariikhdu ahayd 4.june 2011. ee ku yaallay degmada Diinsoor ee gobolka Bay.
Lawareegida maleeshiyyadka Shababka xiifsyadan xoolaha nool laga daaweyn jiray ayaa ku soo aadeysa wakhti aad xasaas u ah oo xoolo dhaqatada ay u baahi weyn u qabaan talaal iyo daaweeyn intaba xoolahooda yare ee ka soo badbaaday abaartii ku dhuftay deegaanada Soomaaliya horaadkii sanadkan.
Taasi waxay ku tusaeysaa sida islaamnida ka baxasan ee ay Alshabab ula dhaqmayaan shacabka Somaaliyeed oo ay ka dhigan tahay inta yare ee xoolo dhaqatada gacantooda ku soo hartay in ay dhamaadaan oo dadka ceyr ay noqdaan, madaama meelihii laga gargaari jiray ay la wareegeen oo aysan wax shaqo ah ka soconin hada.
Source: Jubbaland Resque Team
Afmadow, Somalia
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it














