Shrikii Jaaliyada Waamo ee Waqooyiga America oo go'aamo ka soo baxeen
Shrikii Jaaliyada Waamo ee Waqooyiga America oo go'aamo ka soo baxeen

War murtiyeed kasoobaxay “Shirkii wadatashiga Jaaliyada Waamo ee Waqooyiga America” ee kadhacay magaalooyinka Minneapolis ee gobalka Minnisota taariikhada markeey aheeyd 05/29/11ayaa sida hoose u qornaa.
Shirkaasi oo kusaabsanaa isu uruurinta, abaabulka iyo mideeynta Jaaliyada Waamo ee Waqooyiga America. Shirka waxuu kawarbixiyay taariikh deegaanka, marxaladaha kaladuwan ee uu soomaray iyo kuwahada uu kujiro oo aay kamidyihiin Colaada, Abaaraha, hormar la’aanta guud ee Deegaanka iyo caqabadokale oo badan.
Waxaa Shirka kahadlay Culumaa’udiin, Salaadiin, aqoonyahano, waxgarad iyo dhalinyaro kasoo jeeda dalka Somaliya gaar ahaan deegaanka Waamo. Waxaa sidoo kale looga hadlay shirka baahida keentay in laqabto, taasoo kadhalatay daraasaad lagu sameeyay dhibaatooyinka kajira guud ahaan dalka Somalia gaar ahaan deegaanka Waamo .
Iyada oo ay jaaliyada Waamo usii dheertahay isku xirni la’aan iyo kala go’naanshaha bulshada deegaanka gudaha iyo jaaliyadaha dibada. Iyo waliba kala daadsanaan iyo midnima xumada haaysata jaaliyada waamo ee Waqooyiga America, ayeey waxgarad iyo dhalinyarada jaaliyada usoobaxday ineey lagama maarmaan tahay in jaaliyada isutimaado kana arinsato sii xal loogu helilahaa dhibaatooyinkaas kor kuxusan.
Shirka waxaa kasoo baxay go’aamo iyo natiijooyin wax ku’ool ah hormarna uhorseedi doona shacabka Waamo hadii ILLAAHAY yiraahdo.
Hadaba si looga baxo dhamaan caqabadaha iyo dhibaatooyinka aan soo xusnay ooy ogu horeeyso isu uruurinta, abaabulka, mideeynta iyo wax kaqabadka baahida balaaran ee ka jirta deegaanka Waamo ayaa waxaa shirka lagu doortay laguna ansixiyeen maamul kumeel gaar ah kaasoo Jaaliyada hogaamiyo mudada Halka Sano ah ee soo socota. Maamulkaasi oo halkaasi kusoo bandhigay Ajendahooda wax qabad ee halka sano ee soo socota, ayaa waxuu kakoobnaa Shan qodob
1: Dib u howgalinta nidaamkii dowliga ahaa ee jaaliyada0, sida xafiis rasmi ah oo shaqeeya, lehna dhamaan shuruudihii uu urur lahaa.
2: Furida iyo sharciyeeynta Haayad Gargaar
3: Iskuxirka Jaaliyadaha dibada iyo gudaha
4: Qiimeeynta Baahida Deegaanka
5: Xalinta Khilaafaadka dadka wada dhashay isku dantana ah
Maamulkan ayaa kakooban gudi fulin iyo xibna lashaqeeya.
1:Gudoomiye Abdirizak Mohamed Ali ( caato)
2:G/kuxugeeyn Mohamed Yusuf ( Xalwo)
Sidoo kale Shirka waxaa si qotodheer looga dooday doorka qurbajoogta deegaanka kuleeyihiin hormarka iyo
waxqabadka deegaanka eey kasoo jeedaan. waxaa laga hadlay in dhamaan ururada siyaasada ee kajira gudaha deegaanka eeysan kuhoowlaneeyn barmaamijyo horumarineeyd xiligan xaadirka ah, oo midwaliba uu xooga saarayo sidii eey gacanta ogudhigi lahaayeen una maamulilahaayeen.
Hadaba jaaliyada doowrkeeda waa mid kaduwan kuwaa iyaga ah, waxeeyna kaga duwantahay ma ahan mid xukun raadis ah ama faa’iido doon ah, waa bulsho isutimid isuguna timid danguud, taasi waxeey kadhigantahay in laheli karo fikrado kala duwan marka la’uruuriyana laga soo dhexsaari karo mid wax ku’ool ah taasoo umada iyo deegaankaba hormar gaarsiin karto. waxeey jaaliyada si deg deg ah wax uga qaban doontaa baahida baahsan ee deegaanka Waamo, sida caafimaadka, waxbarashada, biyo yaraanta iyo kuwakale oonan halkan kusoo koobikarin.
Magacyada dadkii kahadlay
Caaqil Mohamed Cumar Sabuul
C’qil/Korneel Mohamed Abdi Muslim
Hajir Yusuf Suldan Cali Suldan Ahmed (Sonkor)
Shiikh C/rahmaan Sh. Khalif Sh. Xuseen
Shiikh Rashiid Aarow
Major Adan Sahal
C’qil Bashiir Cumar Ahmed (Badhaadhe)
Mudane, Farah Gacameey
Gudomiye C/risaaq Mohamed Cali (Caato)
G/kuxigeen Moxamed Yusuf
Madaxa Arimaha Bulshada, Canab Carab Ture
Shirka waxuu kudhamaaday guul iyo in dhamaan qurbo joogta reer waamo eey garab istaagaan lana shaqeeyaan maamulaka cusub ee Jaaliyada.
waxii faah faahin ah kala soo xiriir
Cumar Hasan Kabare, Tel: 001312-4797757














