Ayaandarada Waamo Haysata:
Ayaandarada Waamo Haysata:

Waa barnaajimkeenii aan lafu guri jirnay arrimaha murugsan iyo siyaasadaha jahawareersan ee jira dhulkeena hodanka ah ee Waamo.
Maqaalkeena maanta waxaan ku soo qaadaneynaa ama ku lafo guri doonaa xaqiiqda dhabta ah ee ka danbeeso safarka loogu yeerey magalada Neyroobi Madaxa Raaskambooni sheekh Axmed Madoobe.
Waxaa nasiib daro ah oo wax lala yaabo ah oo soo noqnoqotay in maalin kasto uu mid iska riyoonayo uu jeebka ku shubto masiirka shacabka reer jubbaland iyada oo ay wada joogaan dhamaan waxgaradka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta u dhashay deegaanka Jubbaland.
Waxaa xadiis saxiix ah uu ahaa “ Muslim gud labo mar lagama wado qaniino” balse maanta aad arkeyso in reer Waamo marar badan la soo lugooyey ama boqol jeer gud laga qaniiney, taasoo ay ugu wacan tahay tayo xumadooda iyo ku baruurug la’aanta haysta iyo iyaga oo kala saari la kii nasteex u ah iyo kii cadow ku ah intaba.
Bal Akhristow waligiin ma aragteen ummadda dhan oo dhaqan iyo xeerba laheed oo deegaanka Soomaaliya ugu hodonsan dagan, hadana maanta hoos cararaya wiil qori wata oo aan garaneynin deegaanka waxa uu galo ama gudo oo yiri aniga ayaa idiin aqli iyo indhabo ah ee igu dabo feeyla.
Taasi miyeysan ku tuseynin sida ay waxgaradka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta reer Waamo ay u gabeen xilkoodii ka saarnaa in ay masiirka ummadda reer Jubbaland iyaga ay hogaanka u qabtaan oo ay ka saaraan shacabkooda dacdarada ama silac ku noolka maalinkasta heysta, ayna ku il daran yihiin deegaanooda ama xeryaha qaxootiga ee Kenya.
Bal aan u soo noqdo maqaalka maanta ee ah xaqiiiqda dhabta ah ee ka danbeysa safarka Axmed Madoobe.
Warsidaha Jubbanews ayaa idiin soo aruuriyay arrimaha laga dhoor filayo in madaxa Raaskambooni uu ku saxiixo magalaaada Neyroobi ee dalka Kenya.
Balse aan wax yar dib idiin xasuusino sida ay arrinta ku soo bilaabatay oo dadka intooda badan ayasan ka warheyniin wixii horey u dhacay ama ay il duufeen.
Waxaa horey u dhacay hishiis ay wada gareen madaxda dowlada KMG oo uu matayay wasiirka ku xigeenka Gaanshaandhiga mudane Cabdirashid Xidig iyo madaxa Raaskanbooni Sheekh Axmed madoobe oo ka dhacay deegaanka Diif.
Hishaaskaas hore dhaca ah waxa uu qoreyey in Sheekh Madoobe iyo ciidaankiisaba ay ku soo biiraan ciidamada dowlada KMG ah lana baa’biyo magaca raaskambooni, taas oo uu yeeley Axmed Madoobe oo uu qalinka ku duugey isaga oo moodey In ay fursad u tahay uu ku soo ceshan karo awoodii iyo dhax muuqashada siyaasada Jubbaland, amaba u arkey fursad Kismaayo dib ugu celin karta.
Maxaa dhacay wixii intaas ka danbeysay iyo qabsashadii Dhoobley?
Waxaa la arkay markii ugu horsay ciidaanka raaskaanbooniyiinta oo dhigay cimaadadii oo xirtay labis cusub oo cagaaran oo ah labiskii lagu yaqiinay ciidaamadii Darawiishta Soomaaliyeed.
Waxaa soo if baxay daadalo ay wadeen labo wasiir oo ka tirsan dowlada KMG ah oo kala ah Mudane Xidig iyo mudane Xalane oo iyaga safaro isdaba joog ah ku tagayey Dhoobley, Garrisa, iyo Neyroobi oo ay taageero ugu raadinayeen damacooda ah in laga takhaluso magaca Raaskaambooni.
Warsidaha Jubbanews.com oo halay drafkii ama nuqulka ugu xasaasisan oo la filayo in uu saxiiixo Axmed Madoobe ayaa waxaa ka mid ah.
1- In uu ka tanaasulo magaca Raaskambooni in ay ciidamada Kaanbooniyiinta ay ku howl galaan magaca ciidamada dowlada KMG ah.
2- In Cabaas Talxa loo magacaabay in uu noqdo taliyaha guud ee ciidamada Jubooyinka ka howl galayo
3- In wax maamul gaar u ah uusan yeelaneynin deegaanka Jubbaland oo dowlada KMG ay maamul u soo magacaabi doonto wakhtiga ku haboon.
Waxaa shaki ku jirin in arrimahan ay wax weyn ka badeli dooonaan qaabka hada wax u jiraan oo la filan karo kacdoon shacab oo ka dhan ah Axmed madoobe iyo damaciisa walaan, iyadoo lawda ogyahay in maanta ciiidamada uu beec geeyey ay inta badan ama 90% ay ka soo jeedaan deegaanka Waamo oo aysan marnaba ka yeeli doonin qudobada kor ku xusan.
Maxaa looga fadhiyaa waxgaradka , aqoonyahanka, iyo siyaasiyiinta reer Jubbaland ee Kenya ku sugan in ay arrinta si cad uga jawaabaan oo ay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan arrinta, maadama ay shalay ay wiilasheena ku wacyi galiyeen in ay dagalaaman oo aysan dhiiga wiilasheena uusan noqon mid maal yacni ku daatay.
Waxaa kaloo looga fadhiyaa waxgaradka, aqoonyahanka, iyo siyaasiyiinta reer Jubbaland in ay doortaan hogaan mideysan oo hal meel uga soo wada jeestaan caado qaate kasta oo doonaya in uu masiirka ummadda ka baacmushtaro, iyagana ay noqdaan marjiciyada kaliya ee leh talada dadka iyo deegaanka reer Jubbaland.
Wixii arrimahan xaasaasiga ah ku soo kordho waa idiinla soo socod siin doonaa inshallah.
X/ Jubbanews.com















Comments
v i a g r a from canada: http://viagravillage.com/
RSS feed for comments to this post.