Hay'ada Alfardus Relief iyo Lower Jubba Resque Team oo ka wadaan olole nadaafadeed deegaanada Jubbaland
Hay'ada Alfardus Relief iyo Lower Jubba Resque Team oo ka wadaan olole nadaafadeed deegaanada Jubbaland

Afmadow: Hay’ada Alfardus Relief Organisation (AFRO) iyo Lower Jubba Resque Team ayaa iska kaashaday sidii looga nadiifin lahaa raqda xoolihii ku dhinatay abaartii ka dhacaday deegaanda Jubbaland.
Magalaada Afmadow iyo nawaaxigeeda ayaa laga bilaabey olole lagu gubayo raqdii xoolihii ku dhintay abaarta si loogu hortago in aysan deegaanka ka dilaacin cuduro ama looga badbaado in ay daadadka roobka soo qaadaan haraaga xoolihii dhintay ka dibna ay ku soo shubaan ceelasha biyaha laga cabo, maadama aysan ceelasha badankood aysan afka ka daboolneen, taasoo keeni karta qatarta ah in cuduro ka dilacaan biyaha qurmay oo lagu dhamaado.
Hay’ada AFRO iyo Lower Jubba Reqque Team oo horay iskaga kaashaday u gargaaarida shacabka reer Jubbaland ee abaartu ku dhufatay, ayaa hadana waxay wadaan howshan xoolo gubida ah, waxay sheegeen in aysan awoodin in ay daboolaan baahida loo qabo in laga wada nadiifiyo raqda xoolihii dhintay dhamanaan deegaanda oo dhan.
Halkan ka daawo sawirada ololaha nadaafada ee socda.
Waxaa shaki ku jirin in ay shacabka reer Jubbaland ay isticmaalaan waro biyo fariisad ah si ay uga cabaan biyaha xoolahana ka waraabsadaan, warahaan oo dhan ayaa Qatar ugu jira in ay cuduro ka dilaaci doonaan haddii aan laga nadiifin xoolaha ku dhintay aagag ku dhow dhow oo dhan.
Si taasi looga hortago waxaa laga codsanayaa inta kheyrka jecel ee musliinta ah gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaanda Jubbaland in ay shacabkooda ka badbaadiyaan inysan abaartii ugu darsamin cuduro laaya oo ay ka qaadan biyaha ay ka cabi doonaan ceelasha ama waraha afka banaan ee ay isticmaalaan.
Hay’ada AFRO iyo Lower Jubba Resque Team ayaa gacan ka geysan doona wixii karaankooda in aysan dhicin cuduro ka dilaaca xoolaha dhintay, waxayna labo jibaari doonaan waxqabadkooda ku aadan howshan adag ee hortaala. “INA MACAL CUSRI YUSR” .
Fadlan Haddi aad doonaysid in aad gacan ka geysato howshan culus ee lagu badbaadinayo shacabka iyo deegaanka reer Jubbaland la xiriir Hay’ada Alfardus Relief Organisation ciwaankeeda hoos ku qoron.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it ama webkan info@jubbanews.com
Wabilaahi towfiiq,
X/jubbanews.com













