Bayaan cambaareyn ah oo ka soo baxay Dowlad Goboleedka Jubbaland
Bayaan cambaareyn ah oo ka soo baxay Dowlad Goboleedka Jubbaland

Dowlad Goboleedka Jubbaland wuxuu aad iyo aad ugu xun yahay qaabkii loo maareeyey shirkii wadatashiga ahaa ee ka dhacay Neyroobi.
Shirka oo loogu gogol lahaa in lagu turxaan bixiyo qadiayda Jubbaland, shirkan oo ay maamuleysey dowlada Kenya ayaa u dhacay qaab juujuub ah oo aysan xor u aheyn Odeydhaqmeeyadii ka qeyb galay in ay ka dhiibtaan aragtidooda ku aadan qadiyada Jubbaland.
Sidoo kale shirka ma aheen mid ay u dhan yihiin dhamaan Odey dhaqmeedyada gobolada Jubooyinka oo dhan.
Sidaa darted Dowlad Goboleedka Jubbaland waxay cambaareyneysaa qaabkii ay dowlada Kenya u maamushay shirkaas.
Waxaan sidoo kale cambaareyneynaa hadalkii ka soo yeerey Maxamed Amiin oo wareysi siisey idaacada BBCda taariikhdu markay aheed 06.04.2011, oo sheegay in shirkaasi la isku afgartay balse ay xaqiiqda ka fogtahay sida au wax u dhaceen.
Ugu danbeyntii waxaan digniin u jeedineynaa siyaasiyiinta caadeystay in ay masiirka shacabka reer jubbaland jahawareeriyaan in ay ka waantoobaan ficilkooda guracan ee ay ku kacayaan, ayna iman doonto maalin lagula xisaabtami doonto.
Wabilaahi towfiiq,
Dowlad Goboleedka Jubbaland
Xafiiska Arrimaha Dibada.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
X/jubbanews.com













