CAMBAAREYN SHIRKA KENYA KA SOCDA EE GAANDI
CAMBAAREYN SHIRKA KENYA KA SOCDA EE GAANDI
.png)
Date: London, 02.04.2011
Golaha Qurba-joogta Jubooyinka wuxuu u taagan yahay mar kasta inuu difaaco karaamada, sharafta, iyo danaha shacabka reer Jubbaland meel kasta oo ay joogaan. Annagoo ka duuleyna ahdaafta Golahan ayaan waxaan halkan ka cambaareyneynaa shirka maqaar saaarka ah ee ka socda dalka Kenya ee uu hormood ka yahay Gaandi.
Waxan shacabka reer jubbaland u sheegeynaa in shirka Kenya ka socda ee Gaandi uu garwadeenka ka yahay in uu yahay shir meel ka dhac ku ah karaamada iyo sharafta reer Jubbaland.
Waxaan shaki ku jirin in shirku yahay mid lagu marinhabaabinayo taariikhdii soo jireenka aheed ee awoowyaasheen aan ka dhaxalnay ee an ku faano mar kasta, taariikhda Soomaalidana oo dhan baal dahab kaga jirto.
Taariihkda Waamo maha mid maanta la qoray, waa mid madxafyada aduunka oo dhan taala iyada oo qoraalo ah iyo mid muuqal ahaba, waxa Qariiradaha aduunka ee qarniyadii hore ku qoron si qayaxana ugu qeexan tahay Waano iyo cida dagta intaba.
Mar maanta oo oo qarnigii 21 lagu jiro lama filineynin in uu iska riyoodo nin sheeganaya aqoonyahan uu isku dayo in taariikhdaas dahabka ah in uu tiritro oo uu la soo shir tago wax aan u cuntameynin oo aan marnaba ka gadmeynin shacabka reer Jubbaland.
Golaha Qurba-joogta Jubooyinka wuxuu Gaandi iyo kooxdiisa xinlaqooqa ah u sheegayaa in shacabka reer Jubbaland ay maanta ka dharagsanyihiin shirqoolka ay la damacsanyihiin ee lagu soo dhoobdhoobayo dalka Kenya.
Golaha Qurba-joogta Jubooyinka waxuu horey u taageeray walina taageero hiil iyo hooba ah la garabtaaganyahay DOWLAD GOBOLEEDKA JUBBALAND STATE OF SOMALIA ee London , UK looga dhawaaqay bishii march 19, 2011. Waana dowladda kaliya ee shacbiga reer Jubbaland saqiir iyo kabiirkoodu aqoonsan-yihiin, wadana taageereen. Waxaan qoraalkeena ku soo gebagebayneynaa ”loogoow looba joogaa”
F.G Waxaan qoraalkan idiinku soo lifaaqanay qariirado qeexaya waxa ay tahay Jubbaland oo aan ka soo saarnay madxafyada aduunka, si aad indhihiina ug bogataan wax aan ka hadlayno.
Marna ma aanan dooneynin in aan ka hordhacno tariikhda Waamo aan idiin so wadno oo qeybo badan ah balse aan dooneyno in aan ku muujineyno waxa aan ka hadlneyno iyo taariikhda dhulkan Jubbaland.
.jpg)
Jubbaland map 1789

Jubbaland Map 1894
Wabilaahi towfiiq,
Golaha Qurba-joogta Jubooyinka,
London, UK
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it













