Golaha waamo Community iyo safaradoodii Xeryaha qaxootiyada Kenya ee dhadhaab.. daawo sawirada
Golaha waamo Community iyo safaradoodii Xeryaha qaxootiyada Kenya ee dhadhaab.. daawo sawirada
Written by Aadan Kismaayo
Monday, 30 August 2010 14:17
Iyadoo dhawaanahanba ay wafuuda waamo Community ay booqanayeen deegaanada Gobolka W/Bari ee Kenya safarkoodana ay ku tageen xarunta G.kaasi ee Gaarisa ayaa waxaa ay safarkooda isla todobaadkan ku tageen Xeryaha qaxotiyada ee Dhadhaab.
Waxaa ay Safarkooda ka bilaabeen xerada Dhagaxleey oo ay kula kulmeen Cuqaal iyo Waxgarad iyo Siyaasiyiin kusoo gaamuray dhulka Waamo si weena loogu yaqaan deegaanada Waamo.
Waxaa durbadiiba ay xeradaasi ay ku qabteen kulan afur ah oo ay u sameeyeen qaarkamid ah odayaasha dhaqanka iyo dhalinyaro halkaasi ay kula kulmeen, waxaana kamid ahaa dadkii ay la kulmeen ee odayaasha ahaa Generaal Muxsin, Axmed Dalab, Mooge maxamed Galleey, iyo Cabdi dheere, iyo xubno kale.

Kulanka ayaa afurka kadib waxaa furay shirka gudoomiyaha Golaha Waamo Community mudane Cumar C.rashiid Cumar Feen oo hogaaminayay wafuuda, waxaana uu ugu warbixiyay ujeedada safarkooda, isaga oo sheegay in ay usoo safreen sidii loo soo nooleenlahaa magaca dhumay ee qariirada ku sigtay in laga saaro ee Waamo.
Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu sheegay in ay u socdaan sidii ay gudiyo Waamo Community hoos imaanaya ay ugu sameen lahaayeen halkaasi, kuwaasi oo uu sheegay in looga baahanyahay in ay ka qeebqaataan howlahan laga soo curiyay Neyroobi

Generaal Muxsin oo ugu horeen ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in arintan ay tahay mid lagu farxo oo ay soo dhaweeynayaan islamarkaana ay aad usoo dhaweenayaan ayna diyaar ula yihiin hiil iyo hooba, isaga oo u mahad ballaaran u celiyay Golaha qurbajoogta Jubooyinka ee jubbaland diaspora Forum oo iyagu dhabarka ka riixaya arintan gaar ahaana Gudoomiyahooda mudane Axmed Taajir oo ku sugan wadanka Ingiriiska xaruntiisa Landhan.
.jpg)
Mudane Axmed Dalab oo kamid ahaa Cuqaashii kasoo qeebgashay kulankaasi ayaa isna daboolka ka qaaday in uu soo dhaweeynayo Golahan isaga oo kula dardaarmay xubnaha Golaha Waamo Community in ay cagta mariyaan kuwa ku qaraabta magaca dhulkaasi ee doonaya in ay baabi'iyaan magaca Waamo kuna badalaan jubbaland, isagoo hoosta ka Xariiqay in Waamo ay tahay Hooyada magaca jubbaland, islamarkaana ugu baaqay kuwa ku riyoonaya magaca Jubbaland ay marka hore bartaan Taariiqda dhulkaasi kadibna ay kala doortaan labadaasi magac.

Marwo Maryan Bidixdheere oo ah afhayeenka Golahan ayaa kula dardaarantay waxgaradka u dhashay dhulka Waamo in ay dhiirigaliyaan dhalinyarada islamarkaana ay ugu sheekeeyaan taariiqda dhulka uu soo maray iyo sidii ay ugu qeebqaadan lahaayeen soo nooleeynta iyo jiritaanka maga Waamo.
Marwo Maryan Bidixdheere ayaa sidoo kale meesha ka saartay markale in ay san jirin iyaga Golohooda cid uu duulaan ku yahay xili maalmihii u dambeeyay Golahan suuqa loo galiyay dacaayada ah in ay kasoo horjeedaan howlaha maamul usameenta Jubbaland, iyadoo carabka ku adkeeysay in ay taageersanyihiin qorshayaashaasi hadaladaasina ay suuqa galiyeen kuwo ay ku tilmaamtay in ay ka xireen ku qaraabashada magaca dhulkaasi Waamo, oo ay dhaqaale inta ay kusoo qaataan hadana gacan bidaxeeya oo aan waxba ku qaban dhaqaalaha ay soo qaataan kuwaasi oo ay sheegtay in imika ay wadada ka xireen, iyadoo sheegtay in ay taageerayaan qorshe kasta oo waxloogu qabanayo dadka iyo dhulka Waamo.

Waxaa xusid mudan in xubnaha odayaasha qaarkood ay lahaayeen maamul ay ku mideeysanyihiin dadka dhulka u dhashay ee kusugan Dhadhab, iyagoo gudoomiyahoodana Cabdi Qaadir Rashiid u magacaabay in uu noqonayo wakiilkooda u jooga Xeryaha qaxootiyada ee dhadhaab maadaama isaga uu hayo hogaanka dadka waamo ee kusugan halkaasi.
Gabagabadii ayaa waxaa la isku raacay in la raadiyo Magaca Waamo iyo sidii loo soo nooleenlahaa, iyadoo dhinacyadii kulankaasi kasoo qeeybgalay ay kuwada balameen in sidoo kale dadka iyo dhulkaba wax loo qabto si hormarka looga shaqeeyo.
Tan iyo intii Neyroobi looga dhawaaqay Golahan waamo Community biloowga bishan Ramadaan ayaa waxaa uu la kulmay caqabado badan iyo qodxo ay daadinayay dad aan dhalasha ahaan ka fogeen dadka haya hogaanka Golahan, kuwaasi oo kula dagaalamayay sababta ay u qaateen magacaan iyagoo ku maquuninayay in ay qaataan magaca Jubbaland.
Taasoo keentay in ay warar aan wanaagsaneen suuqa loo galiyo xubnaha Golahan waamo Community, iyadoo sidoo kalana ay la kumeen hanjabaado badan oo kaga yimid qaar kamid ah dad aan raali ka aheen raadinta magaca Waamo, waxaana ay ku guuleesteen in ay gaashaanka ku dhuftaan warxumo tashiilka la abuuray iyadoo arintaasina ay gacan ka geesteen baabi’ inteeda qaarkamid ah Jaaliyada qurbajoogta ee jubbaland diaspora forum gudoomiyahooda mudane Axmed Taajir.

Golahan ayaa sidoo kale intii la aas aasay waxaa uu hormaro kala duwan oo la taaban karo uu ka geestay sidii uu u heli lahaa hay'ado gacan ka geesto sidii loo hormarinl ahaa deegaanada jubooyinka, iyagoo sheegay in ay bilaabeen qorshayaal dib loogu dhisayo iskuulo iyo masaajido ku yaalo Qooqaani, iyadoo deegaanada kale sida Afmadoow, Xagar, Badhaadhe iyo meelo kale oo Jubooyinka ah ay arimahaasi ka fulinayaan.
Waxay sidoo kalana ka dhawaajiyay in arintaasi ay feersocondoonto Gar gaar loo fidinayo dadka colaadaha iyo abaaraha ay daashadeen ee halkaasi ku sugan maadama ay dadka isugu jiraan kuwo wax heesta iyo kuwo aan wax heeysan, iyagoo dadka soomaaliyeedna u rajeeyay in Colaada ay mar’ uun dhamaandoonto lagana bixi doono dhibaatada jirta haatan ee mudada labaatanka sano lugaha lasii galeeysa.
Hormarada iyo wararka Waamo Community kala soco websityada kala ah www.jubbalandpost.com iyo www.jubbalanddf.org
Xigasho: Jubbalandpost.com
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it












