Gargaar cunto ah oo loo fidiyey qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.
Gargaar cunto ah oo loo fidiyey qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

Deeq raashin ah ayaa lagu gargaaray dadka fuqurada ah ee ku nool dalka Kenya, kuwasoo ka soo qaxay dagaalada dalka Soomaaliya halakeeyey, deeqdaas oo loogu talo galay in ay kaga baxaan inta ka hartay bishan Ramadaan.
http://www.aljazeera.net/NR/exeres/DB57846A-1414-4F46-A329-25C60BA409CB.htm?GoogleStatID=9
Deeqdan oo ay bixisey hay’ada gargaarka ee Al-Fardus Relief Organisation (AFRO), taariikhdu markay aheed 28.08.2010 laguna wareejiyey ururka Waamo Community si ay ugu qeybiyaan dadka sooman, mashruucan cunto qeybinta oo loogu magac daray mashruuca afurinta dadka sooman ee ka soo qaxay Soomaaliya kuna sugan magaalada Neyroobi ee dalka Kenya.
Munaasabada la kala wareega Raashinka waxaa ka hadlay oo is gacan qaaday madaxa hay’ada Al-fardus xafiiska Neyroobi Muniira Cabdi iyo madaxa Waamo Community marwo Maryan Bidixdheere, oo sheegtay sida ay ugu mahadcelineyso hay’ada Al-fardus gargaarkan cunto oo ay u fideeyeen masaakinta Soomaalida ah, dhinaca kale madaxa Hay’ada Al-fardus ayaa sheegtay in ay sii labo jibaari doonto hay’adeeda gargaarka ay u fidineyso masaakiinta Soomaaliyeed ayna sii wadi doonaan wada shaqeynta ay la yeesheen ururka Waamo Community.
Deeqdan lagu wareejiyey Waamo Community ayaa ka koobneed cunto isku jirta Sokor, Bur, Saliid, Bariis iyo Cusbo qeyriin ah ayaa loo qeybiyey dadka fuqurada ah ee ka soo barakacay dhibaatada ka taagan caasimada Soomaaliya ee Muqdishu.
http://www.aljazeera.net/NR/exeres/DB57846A-1414-4F46-A329-25C60BA409CB.htm?GoogleStatID=9
Sidoo kale waxay hay’ada Al-Fardus u soo qeybisey Raashin iyo dhar loogu talagalay bishan Soon dadka fuqurada ah ee sugan magaalada gaarisa iyo xiryaha qaxootiga ee kala ah Dhagaxlay, Xagardheer.
Hay’ada Al-fardus Relief Organisation waxay dagan tahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyada oo sheegtay in ay ka qeyb qaadan doonaan mashaariicda lagu gargaarayo dadka masaakiinta ah, taakuleynta Agoonta iyo kuwa u baahan kaalmada gaarka ah.
http://www.aljazeera.net/NR/exeres/DB57846A-1414-4F46-A329-25C60BA409CB.htm?GoogleStatID=9
Xigasho: Aljazeera.net
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it













Comments
RSS feed for comments to this post.