Gudoomiyaha Hooyooyinka Waamo oo la kulantay Waxgaradka iyo gabdhaha reer Waamo ee ku sugan magaalada Gaarisa iyo xiryaha qaxootiyada.

 

Wafti balaaran oo ay hogaamineysey gudoomiayaha hooyooyinka Waamo marwo Maryan Bidixdheere isla markaana ah afyeenka Golaha Waamo Community ayaa booqosho ku tagay magaalada Gaarisa iyo xiryaha qaxootiga ee Dhagaxley, Ifo, xarerdheer.

Marwo Maryan oo ka war bixisey ujeedada socdaalkeeda ayaa u sharaxday gabdhaha reer Waamo sababahii loo aasaasey golaha Waamo Community iyo waxa laga doonayo in uu qabto, iyada sheegtay in ay ka danqanayaan dhibaatada soo jiidantay ee ku habsatay shacabka reer Waamo labaatankii sano ee la soo dhaafay, una istaageen in ay dhibaatadaas wax ka qabtaan lagana doonoyo gabdhaha reer Waamo in ay u noqdaan lafdhabar halganka ay galeen maanta, iyada xasuusiyey sidii gabdhaha reer Waamo ay uga soo qeyb qaateen halganadii la soo galay kal hore.

Marwo Maryan oo ku nuuxnuuxsatay in ay ka hortagayaan cid kasta oo isku dayeeysa in ay dhibaato ka geysato deegaanada Waamo amaba mijixaabineysa qorshaha lagu badbaadinayo deegaanada Waamo, iyada intaas ku dartay in aysan cidna kaga haybeysaneynin raadinta xal u helida dhibaatadan soo noqnoqotay ee ka taagan deegaanada Waamo.

Waxaa kaloo kulamadaas ka hadalay gabdhaha reer Waamo oo sheegay ku dhawaaqista golaha Waamo Community iyo isku xirka Hooyooyinka reer Waamo ay aad u soo dhaweynayaan, loona baahnaa urur ceynkan oo kale ah oo hormood ay ka yihiin dad reer Waamo ah oo asalkooda la yaqaano.

Gabdhaha oo wajiyadooda ka muuqatay qiiro aad u badan ayaa sheegay in  maanta farxad weyn u tahay in ay arkaan gabdhihii reer Waamo oo u istaagay soo nooleyta magacii Waamo ee la duugay, waxay halkaas ka tiriyeen Saar dheer oo ay kaga cabirayaan dhibaatada Waamo maanta ka taagan.

Gabagabadii kulankaas ayaa gudoomiye Maryan kula dardaarantay gabdhihii ay la kulantay in ay dardar galiyaan howlaha ururka, kana shaqeeyaan sidii looga miro dhalin ahaa ahdaafta ururkan uu istaagay iyo wacyi galinta reer Waamo, iyada oo balan qaaday in ay ku soo noqon doonto Gaarisa iyo xiryaha qaxootiga si ay kormeer ugu soo samayso hormarkii la gaaray, una sii dardar galiso howlaha ururkan horyaala.
Kulamadaas oo ku dhamaaday guul iyo farxad, laguna balamay  kulmo kale oo noocan oo kale ah.

Mar dhow waxaan idiin soo gudbin doonaa maansooynkii iyo Saarkii laga tiriyey xaalada Waamo maanta mareyso ee kala soco halkan.

Halkan hoose ka akhriso qoraalkii ay saxiixeen Suldaan Cabdi Suldan Cali Sokor iyo waxgarad kale.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Add comment


Security code
Refresh

Jubbaland Flag

JUBBALAND

.

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterToday158
mod_vvisit_counterYesterday171
mod_vvisit_counterThis week1357
mod_vvisit_counterLast week2290
mod_vvisit_counterThis month2669
mod_vvisit_counterLast month12220
mod_vvisit_counterAll days99779