Waxgaradka deegaanka Waamo oo soo dhaweeyay taageereyna Golaha Waamo Community

 

Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sokor dhexda, Cumer Cabdirashid bidixda, Maryan Bidixsheere midigta.

Tan iyo markii Magaalada Neyroobi looga dhawaaqay Gole loogu magacdaray Waamo Community oo ay ku dhawaaqeen dad kasoo jeeda deegaanka Waamo oo isugu jira Rag iyo Dumar, ayaa waxaa ay dhawaanahan wadeen olole ballaaran oo ay ugu jireen sidii ay dadka waamo u dhashay ay ugu dhaadhicin lahaayeen fikrada ah dib usoo nooleenta magaca Waamo iyo sidii wax loogu qabanlahaa dadka kasoo jeeda dhulka waamo, dib udhisna loogu sameen lahaa goobaha waxbarashada caafimaadka iyo adeegyada kale ee dadweynaha.

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Golaha Waamo mudane Cumar Cabdi Rashiid Cumar Feen iyo afhayeenka Golaha Marwo Maryan Bidixdheere ayaa waxaa ay socdaalkooda ka bilaabeen Magaalada Gaarisa ee xarunta G.ka W.Bari ee Kenya, halkaasi oo ay kula kulmeen Cuqaasha iyo waxgaradka deegaanada Waamo oo uu ugu horeeyo Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sokor iyo Caaqil Cumar Feen.

Sidoo kale wafdigaan intii ay kusugnaayeen Gaarisa waxaa ay doonayeen in ay helaan aqoonsi dhanka odayaasha ah iyadoo ay odayaashana ay u ansixiyeen warqada cadeenta Golahan inuu ka howlgalayo deegaanada magacooda uu wato ee Waamo, si halkaasi waxqabad ballaaran oo dhankasta leh uu Golohu ugu geesto dadka deegaanadaasi iyo dhulkaba.

Marwo Maryan Bidixdheere oo ah afhayeenka Golahan ayaa sharaxaad dheer ka bixisay qaabka uu u howgalayo Golahan, iyadoo sheegtay in ay marka hore u istaageen Danta Dadka iyo Deegaanka sidii ay wax oga qaban lahaayeen, iyadoo durbadiiba carabka ku dhufatay in ay ku bilaabayaan howshooda dib udhis lagu sameynayo Iskuulkii Hoose Dhexe ee Qooqaani iyo Masjid halkaasi ku yaala oo hay'ado Islaami ah u balanqaadeen dhismahooda, iyadoo sidaasi si lamid ahna ay deeganada kale ee Waamo ay ka fulinayaan mashaariicdan oo kale, iyadoo bay tiri aaneey meesha ka marneen gacansiinta dadka tabaaleeysan ee Colaadu daashatay ee deegaanadaasi ku sugan.

Marwo Maryan Bidixdheer ayaa meesha ka saartay hadalo maalmahan la isla dhexmarayay oo ahaa in Golahan loo aas aasay sidii uu u kala qeybin lahaa dadka deegaanadaasi ayaa waxaa ay sheegtay in wararkaasi been abuurka ah ay maleegeen dad Tobonsano ku qaraabanayay wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanadaasi uu hada Godkooda Biyo ugu soo galay sida ay hadalka u dhigtay, kuwaasi oo ay ula jeeday shaqsiyaad ku qaraabta magaca Goboladaasi Waamo.

Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sokor iyo Marwo Marayn Bidixdheere.

Waxaa kale oo madashaasi ka hadlay Cumar Axmed Rashiid Cumar Feen oo ah Gudoomiyaha Golahan waamo community waxaana uu u cadeeyay waxgaradka in aysan iyaga cidna duulaan ku aheen ee ay doonayaan oo kaliya oo in ay soo nooleeyaan magaca Waamo iyo wax u qabashada dadka Reer Waamo, isaga oo ugu baaqay waxgaradka dhulkaasi kasoo jeeda in ay gacan ku siiyaan Golahan taageerida iyo dhismaha dhulka waamo oo mudo labaatan sano aanu helin waxqabad dhab ah, isaga oo kula taliyay koox uu ku tilmaamay in ay yihiin calooshood ushaqeestayaal in ay ka waantoobaan hagardaamada dhulka ay ku hayaan.

Dhanka odayaasha ayaa waxaa hadalka ku hormaray Caaqil Macalin Cumar Feen oo sheegay in isaga uu ku faraxsanyahay taageerayana cidkasta oo wax u qabaneeysa dadka dhulkaasi ku nool, islamarkaana uu soo dhaweeynayo Golahan.

Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sokor oo ah suldaanka Waamo ayaa isna halkaasi ka sheegay qalinkana ku duugay in dadka Golahan ku midoobay ay garteen waxyaabo dadka dhulkaasi ku sugan ay garanwayeen, loona baahanyahay in la taageero cidkasta oo waxka qabaneeyso dhulkaasi sida uu sheegay.

Suldaanka durbadiiba qalinka u qaatay warqada cadeenta golahan oo saxiisay, isaga oo kula dardaarmay masuuliyiinta Golahan in aysan ka daalin marnaba wax u qabashada dadka iyo deegaanadooda, isaga oo sheegay in ay san jirin cid ay kaga heeybeesanayaan wax u qabashada dadkooda.

Sawirka Suldaanka Waamo Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sokor

Iskusoo wada duuboo wafdiga golahan ayaa u ruqaansaday dhanka xeryha qaxootiyada oo ay u aadeen soo indha indheenta xaalada dadka qaxootiga ah ee Waamo u dhashay iyo tirakoobkooda.

Iyagoo Gaarisa intii ay ku sugnaayeena ka sameeyay maamul wakiil oga noqda magaaladaasi oo loo magacaabay mudane Faarax Cabdullaahi Xasan Golol.

Tan iyo intii ay ku sugnaayeen wafdigan Golaha Waamo Magaalada Gaarisa ayaa lagusoo dhaweeyay Farxad iyo damaashaad loo qabo soo nooleenta magacaasi.

Goor dhow kala soco warsidanahan www.jubbalanddf.org warbixino iyo sawiro kulamadii xiryaha qaxootiyada ka dhacay ku saabsan.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Add comment


Security code
Refresh

Jubbaland Flag

JUBBALAND

.

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterToday158
mod_vvisit_counterYesterday171
mod_vvisit_counterThis week1357
mod_vvisit_counterLast week2290
mod_vvisit_counterThis month2669
mod_vvisit_counterLast month12220
mod_vvisit_counterAll days99779