Ururka Waamo Community oo guulo la taaban karo ka gaaaray soo nooleytii magacii la duugay ee awowyaasheen bixiyeen ee Waamo
Ururka Waamo Community oo guulo la taaban karo ka gaaaray soo nooleytii magacii la duugay ee awowyaasheen bixiyeen ee Waamo
Ummad kasta oo aduunka ku nool oo istaaga aayo ka tashigooda waxay gaartaa guulo lama iloobaan ah oo ay ku diirsadaan shacabkooda.
Tan iyo intii looga dhawaaqaay magaalada Neyroobi ururka Waamo Community horaantiin bishan ayaa waxaa bilowday shirar iyo kulamo ay yeelanayeen waxgaradka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, hooyooyinka, dhalainyarada reer Waamo ee kala jooga Neyroobi, Garrisa, iyo xiryaha qaxootiga ee dalka Kenya.
Shirarkaas oo ahaa kuwa wax ku ool ah looga hadlayay xaalada Waamo ay maanta ku sugan tahay, iyo sababihii keenay dhibaatada maanta haysata shacabka Waamo.
Waxaa si qotodheer loo gorfeeyey arrimaha murugsan ee maanta taagan iyo sidii loo heli lahaa mashruucii looga bixi lahaa daruufaha qalafsan ee shacabkeena heysta.
Waxgaradka oo aad ugu nuuxnuxsaday sida ay aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta reer Waamo ay uga gaabiyeen xal u helida dhibaatda soo jeedantay ee dhulkooda ku habsatay, iyo sidii ay indhaha uga qabsadeen kuwa mar kasta u taagan hagardaaminta shacabkooda.
Waxaa kaloo la isku wada raacay in maanta loo baahan yahay midnimo ay yeeshaan reer Waamo meel kasta oo ay joogaan, si loo gaaro guusha aan hiigsanayno, iyaga oo farta ku fiiqey ururka Waamo Community sida uu u dardar galiyay wacyi galinta shacabka reer Waamo oo maanta kacdoonka bilaabay, ayna rajeynayaan in uu noqdo ururkan kii lagu diirsado oo ka saara reer Waamo dulmiga iyo dhibaatada lagu soo hayay labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Mar dhowna waxaan idiin soo gudbin doonaa hadii Alle idmo waxqabadkii ururka Waamo Community oo maqal iyo muuqaal ah ee kala soco halkan.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it













Comments
RSS feed for comments to this post.