Dowlada KMG ee Soomaaliya oo abuubul ugu jirto sameynta maamul goboleedyo cusub.

Shirar is daba jooga ah ayaa ka soconaya magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Etoobiya, kaa soo lagu doonayo in lagu dhiso maamul goboleed  ka kooban lix gobol oo kala ah, jubada hoose, Jubada dhexe, Shabeelada hoose, Bay Bakool iyo Gedo.

Wasiirka gaashandhiga ee Soomaaliya mudane Abuukar Abdi Osman oo wareysi siiyey BBCda 21.08.2010 ayaa ku sheegey wareysigiisa in isaga iyo shan wasiir oo kale uu ka mid yahay wasiirka maaliyada mudane Xuseen Xalane iyo qabqabalayaal badan oo ay ka mid yihiin Xeefoow, Bare Hiiraale, Kiish burbur ay u joogaan Adis in lagu dhiso maamul goboleed ay yeelan doonaan gobolada kor ku xusan.

Waxaa halkaas ka cad in xalka Soomaaliya maalinba maalinta ka sii danbeysa uu ka sii darayo, oo dowladana wax talo ah gacanta ugu jirin iyo dowlado kale talada gacanta ugu jirto, howlaheedana ay yihiin kuwo iska horimanayo taana waxaa daliil u ah shirarka hada ka socda Adis Ababa.

Waxaa hadaba isweydiin leh su’aasha ah side suuro gal u tahay in dowlada ay marna dhisto maamul goboleed ka kooban saddex gobol oo kala ah Jubada hoose, Jubada dhexe iyo Gedo oo Nairobi ka socda, hadana abuubul ugu jirto dhismo maamul goboleed ka kooban lix gobol oo kala ah Jubada hoose, Jubada dhexe, Shabeelada hoose, Bay, Bakool iyo Gedo oo Adis Ababa ka socda?

Jawaabtu waxa weeye laab labo uma qeybsanto dowlada in ay u laab furan tahay maamulkaas Adis Ababa lagu yagleelayo, taasoo daliil u ah waftiga heerka sare ah ee ka qeyb galayo shirarkaas Adis Ababa ka socda.

Gabagabadii hadeynu nahay Golaha Qurbajoogta Jubooyinka waxaan weydiineynaa su’aasha ah side baa shacabka Waamo ama Jubbaland loogu qancin karaa in barnaamijka Gaandi uu wado uu yahay mid dowlada ay ogtahay, laguna dhasiyo maamul goboleed dowlada taageersan taas oo ah hadalka iyaga markasta ay ku celceliyaan???

Bilaahi towfiiq,

Golaha Qurbajoogta Jubooyinka,

London, UK

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Comments  

 
0 #3 2010-09-02 10:17
aniga waxaay ilaa tahay in Gandi Ilyas badal,Abdiaziz Osman Mohamud iyo kuwaa lamid ah ee hore uu soo qatay mashruci jaajuusinamada dhulka jubba kuna layeey dad badan diyaridahi mareynkan . hada ayna marna ka gadmi doonin iska dadka reer jubba xata qoysaskooda hosse ee Alsubeer camir iyo alsuber xirsi, marka ummadey waxaad ogatana in kuwaas hore ugu fashlinmeen isdla markana yihin imaan labaayaal raqiis ah. mida kale Gandi xage ka soo galay siyaasada jubbaland, yaa uu wakil ka yahay shaik sharif ayaa sii fuduud uu magacawday iskana eryeey marku arka qabdaradiisa. waxaa inta dheer yaa magacaway kuwa sheegayana Gurtada jubbaland xage lagu magacabay maxaay ka yihin bulshada reer jubbaland dhexdeeda.jawabta waa majiraan waxaas oo dhan waxaa weye oo kaliya ah waxa magacawday Gandi oo tiisaba tabar uu laa isla marna ah Jajuus Yahuud waayo sida ad ogtihin Xaaskisa wa Yahuud
Quote
 
 
0 #2 2010-08-31 16:21
Axmad Taajir - ina adeer adiga kuwa kula mid ah ayaa qaskan wado ee walaal dadkaaga gees ka raac. Hussein Xalane waan naqaan oo maahan nin dowlad goboleed Ethiopia dhistay dadkiisa oola imani karo ee walaal adiga riyada iska daa oo dadkaaga raac. Bil Ramadhan ayaa lagujiraa ee waiga naseexa.
Quote
 
 
0 #1 2010-08-26 11:31
Nimankan Gaandi uu wato waxay meesha ku hayaan waa shinbirayaalow heeso, mana soconayso sheeeko xariirtaan wakhtigeedu dhamaaday... Walee gaandiyow inta aad qolyaha karkarka ku weydaariyey ee gacmaha dhiiiga ku wato aad daba socoto ayaad meel gaadhin.. Yaa talo ku siiyo intey haadan kaa tuurin.. Nimankan oo Ilyaas Badal ugu horeeyo iyo kuwa kale ee fashalin kama gadmayaan reer Jubbaland ee ogow..
Quote
 

Add comment


Security code
Refresh

Jubbaland Flag

JUBBALAND

.

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterToday158
mod_vvisit_counterYesterday171
mod_vvisit_counterThis week1357
mod_vvisit_counterLast week2290
mod_vvisit_counterThis month2669
mod_vvisit_counterLast month12220
mod_vvisit_counterAll days99779