Ismaaciil Hurre Buubaa: Dowladda Norway aniga oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ah ayay iga codsatay in aan kala hadlo Badda Soomaaliya.
Ismaaciil Hurre Buubaa: Dowladda Norway aniga oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ah ayay iga codsatay in aan kala hadlo Badda Soomaaliya.
Waxana uu sheegay in Norway warqad u soo dirtay, laakiin uusan warqaddii uga jawaabin. Arrinta lagala hadlayey oo ahayd heshiis (is-afgarad) ee badda Soomaaliya….
Waraysi dhinacyo badan oo Ibraahim Da’ud uu Nairobi kula yeeshay Ibraahim Buubaa, kana hadlaya siyaasadda Soomaya, aragtidiisa ku aadan Somaliland, aragtidiisa DFKMG & ASWJ, doonyaha sida sharci darrada uga kalluumaysta badda Soomaaliya iyo in lala xisaabtamo cidda ka dambaysay qorshahii heshiiskii Is-fahamka ee badda Soomaaliya:
Halkan ka soo rogo (mp3) ama halkan ka dhegeyso
………..
April 7, 2009 oo hadda laga joogo Mudo sanad ah ayay Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya ku kalla sixiixdeen magaaladda Nairobi heshiis loogu Magac daray “heshiiska is-afgarad”.
Haddaba, SomaliTalk.com si ay arrintaas wax uga ogaato waxaan waraysi Magaaladda Nairobi kula yeelatay Ismaciil Moxamuud Hure “Buubaa” oo Soomaaliya ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda sanadihii 2000-2002 xilligii Dowladii Carta oo uu Madadxwayne C/qasim Salaad Hassan sidoo kalle waxa uu Xilka Wasiirka Arrimaha Dibada sanadkii 2006-2007 xilligii uu Madaxwayne C/laahi Yusuf dalka Soomaaliya uu ka ahaa Madaxwaynaha DFKMG.
Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Somalia.
Somalitalk.com ayaa ugu horeentii Mudane Ismaaciil Hure Buubaa wax ka waydiisay sida uu u arkayay Heshiiska is afgarad ay Dowladda KMG laga gashay Dowladda Kenya Mudane Ismaaciil Hure oo arrintaas ka jawaabnaya waxa uu yiri:- “Is Afgaradlkas looma baahneen, markii aan wasiirka ahaane waa la igu soo qaaday waxaan ku iri wax dhibaato ah oo Kenya na dhaxyaal ma jiraan, waana la garanayaa xuduudka iyo sida caalamiyan loo jeexo, dhibaatada waxa ay tahay Is afgarad ayaan heshiis ka galeeynaa, haddi aad aqbashana heshiis is garad ah meesha waxaa imanaya Khilaaf”
Heshiis in Dowladda Kenya lala saxiixdo maloo baahnaa?!
Dr. C/casiis Sheikh Yuusuf oo ahaa Wasiirkii Caafimaadka dowladii TFG-da ee uu Madaxwaynaha ka ahaa C/laahi Yusuf Axmed ayaa waraysi ay la yeelatay somalitalk.com uu ku sheegay in “(2005) waxay dawladdaasi (Kenya) isku dayday in ay wada hadal furaan ku saabsan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Soomaaliya oo ah xagga badda, markaa iyada si “hints” ah (guud-mar) ama wax xoogaa weydiin ah ayaa markii hore hadalku nagu soo gaaray, kabacdina si rasmi ah.”
Somalitalk.com ayaa mar kalle waydiisay Mudane Ismaaciil in loo baahnaa heshiiskan in lala galo dowladda Kenya iyo in khilaaf weyn oo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya oo dhanka Badda ah waxa uuna ku jawaabay sidan

“Wax khilaaf dhul ah oo Kenya iyo Somalia u dhaxeeya ma jirin, labada dowlad waa in la isku soo dhaweyaa, wixii dhacay waa la ogyahay, labado wadan oo daris ah ayanu nahay, meshii haddii tuhun la soo galiyay arritnaasna dhibaato ayay keeneysaa, Somalida Geeska Africa ku nool dadka ugu horeeya waa Somalida reer Kenya taasi waxa keenaya habdhaqanka wanagsan ee Kenya ka jira, in la soo celiyo dhibaatadii hore arrin fiican maahan, is afgaradkana waxa uu keenaya is afgaran waaa.”
Xiriirka Dowladda Norway ay la yeelatay Mudane Ismaaciil Hure.!
Dowladda Norway ayaa in mudo ah dadaal ugu jirtay sidii heshiis looga heli lahaa xukuumad Soomaaliyeed, Norway waxay riyadaas u rumoowday April,2009 markii Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya ay heshiis ku kala saxiixdeen Magaaladda Nairobi,Kenya.

“waxa la ii soo diray warqad Norway ka timid, waan la yaabay, xilliga shir Midowga Africa ooga socday Magaaladda Adis Ababa ayaan ka qeeb galayay, kama jawaabin waxana u arkayay in meesha wax laga heshiiyo aysanba meesha oolin, runtii aad ayaan ula yabay Norway iyo Doorka uu walad cabdalaha dadaalka ay bixinayan, marka dhibaatada ay dhamaato arrintaan waa in baaritaan lagu sameeyo iyadoo waliba ninka UN-ka u fadhiya oo hadana dadaal ku bixinaya waa arrin la yaab leh”
Sababta heshiiska loogu dag-dagay maxay tahay, Maxaa qaldan.?
Kahor inta aysan Dowladda Soomaaliya heshiiska Is afgaradka ah la saxiixan Dowladda Kenya ayay Somalitalk.com waxa ay dowladda Soomaaliya u gubdisay cilbaaris ay somalitalk.com sameeysay iyadoo xukuumada Shariif ooga digtay in aysan waxba saxiisin balse Dowladda Soomaaliya arrintaas way iska dhaga tirtay.
Ismaaciil hure ayay Somalitalk.com wax ka waydiisay arrimahan waxa uuna ku jawaabay sedan.
“Aragti daro iyo aqoon la’aan ayaa jirta, waxaan la yaabahay in qof Somali ah uu dhulka Somalia bixin karo ama shaki galiyo, waxaana arrinta ka danbeeya dad caqlikooda hadlayo”
Dowladda shariif.. iyo sida uu Buubaa u arko.
“waxaa jira Xadiis Nabawi ah, walaalkaa u gargaar haduu la dulmiyo iyo hadii kalaba, Dowladda sharif wax badan ayay ku gafeeysaa, isku gafeeysa dhaxdeeda, arrinta xuduudaha, badeena iyo barigeenaba Dowlad Somaliyeed oo ku dhisan rabitaanka shacabka ayaa ka hadli karta balse dowlad Kumel gaar ah waa googol xaar leeeee, jiklaafka jaarka waa in laga dheeraadaa.”
Waraysigii Ay somalitalk.com la yeelatay Mudane Ismaaciil Hure hoos ka dhegeyso:
Halkan ka soo rogo (mp3) ama halkan ka dhegeyso
Waxaa waraysiga qaaday
Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Nairobi,Kenya















Comments
waa wax lala yaabo.
RSS feed for comments to this post.