Jubbaland Civic Society oo mar dhow lagu dhawaaqi doono

 

Nairobi: Warsidaha Jubbanews ayaa waxaa soo gaaray warbixin ku saabsan in abaabulka ay wadaan waxgaradka,aqoonyahanka, siyaasiyiinta reer Jubbaland ee lagu doonayo in dhidibada loogu aaso Ururka Bulshada Rayidka ah ee Jubooyinka.

 

Warbixinta ayaa waxay tibaaxaeysa sababihii keeney in la abuuro urur bulshada ay lee dahay oo ceynkan oo kale ah, in ay tahay talaabo loo qaaday dhinaca isku tashiga, wanaaga iyo  ka dhax shaqeynta shacabka reer Jubbaland.

Horay ayaa waxaa u  jirey ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed oo aan marnaba aan wax qabanin baahida shacabka reer Jubbaland, taasina ay maanta keentay in ay reer Jubbaland u istaagaan danaha shacabkooda oo ay iyaga noqdaan kuwa sida tooska ah u matala codka shacabka reer Jubbaland.

Waxaa kaloo intaas lagu daray in ay dhawaan ku dhawaaqi doonaan gudigii matali lahaa ururkan oo dhamaystiran, gudigan oo noqon doono aqoonyahano soona dhicin doono xaqa reer Jubbaland.

Gudiga qabanqaabanda shirweynaha Jubbaland Civic Society (JCS) ayaa sidoo kale wadaan wada tashiyo la sameynayaan dhamaan qeybnaha kala duwan ee bulshada gudo iyo dibada.

Sida ku cad warbixinta nasoo gaartay ayaa sheegeysa in ay fureen xafiis uu yeelan doono Jubbaland Civic Society (JCS) oo lagaga shaqeyn doono danaha shacabka reer Jubbaland.

Shaki kuma jiro in daadalada ay ku jiraan reer Jubbaland meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiin in ay keeni doonto hormar dhinac walba leh iyo isu soo dhawaansho dhaxalsiisa in talada dalkooda iyo dalkooda ay iyagu yeeshaan.

Wixii macluumaad dheeri ah ee arrintaan ku saabsan waan idiinla soo socod siin doonaa inshalah.

X/Jubbanews.com

Add comment


Security code
Refresh

Jubbaland Flag

JUBBALAND

.

mod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_countermod_vvisit_counter
mod_vvisit_counterToday11
mod_vvisit_counterYesterday152
mod_vvisit_counterThis week1064
mod_vvisit_counterLast week2136
mod_vvisit_counterThis month8027
mod_vvisit_counterLast month12220
mod_vvisit_counterAll days105137